25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Cali Gedi oo nafta agdhigay IGAD si looga dhigo madaxweynaha…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa dadaal dheer ugu jira sida uu ku gaari lahaa kursiga madaxweyninimo ee maamulka loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Cali Geedi oo ku howlan kasbashada Madaxda DF, Beesha Caalamka iyo Odayaasha Beeshiisa ayaa safaro is xigxiga ku gaaraya magaalada Jowhar waxa uuna baahidiisa gaarka ah usoo bandhigtay Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Geedi ayaa Danjire Afey u sheegay inuu kamid noqon doono shaqsiyaadka u tartamaaya qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa aad usoo dhaweeyay baahida Cali Geedi uu u qabo kursigaasi waxa uuna u ballan qaaday in dadaalka lagu gaarsiin lahaa Kursiga uu wakhti dheer bilaabi doono.

Afey waxa uu sidoo kale, Cali Geedi u ballanqaaday in Wakiilada Beesha Caalamka qeybaha kale uu ka dhaadhicin doono inay taageeran.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Asbuucyadii ugu danbeeyay Cali Geedi uu ka agdhawaa Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News