25.7 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Gaas: Shariif Xasan maaha nagu siyaasad waa adeegaha Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo ku sugan magaalada Abu-Dubai, ayaa sheegay in Siyaasada Somalia ay ku kala tageen Siyaasiyiin farabadan.

Cabdiwali Gaas, oo la hadlayey dad ay isku beel yihiin waxa uu sheegay in ragga ay ku kala tageen Siyaasada uu kamid yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan waxa uuna tilmaamay in Shariif uu yahay nin ay bixin la’ yihiin Siyaasadiisa.

Shariif Xassan ayuu sheegay in Siyaasad ahaan uu yahay mid ku dhow Madaxweyne Xassan Sheekh sidaa aawgeedna uusan ku xisaabin dhankooda.

Siyaasada Somalia ayuu sheegay inay tahay mid kala geysay isaga Siyaasiyiin badan, waxa uuna carab dhabay in marnaba uusan qaadan doonin Siyaasad ay wadaag ku yihiin Xassan Sheekh, Shariif Xassan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Shariif Xassan uu mar waliba yahay mid u taagan khilaaf iyo in uu garab boodo Xassan Sheekh, sidaa aawgeedna aysan is qaadan karin wakhtiga lagu jiro.

Dhanka kale, Xassan Sheekh ayuu cadeeyay in qudhiisa uusan ka maarmin Shariif Xassan, balse ujeed waliba uu yahay mid kusoo dhamaanaaya maslaxad gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News