XOG: Somaliland oo qiyaaneysa shacabkeeda & BF ee 2016 oo…

Muqdisho (Caasimada Online) -Maamulka Somaliland ayaa ku howlan diyaarinta Xildhibaanada la filaayo inay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Somalia.

Qorshaha ay Somaliland xubnaha kusoo xulaneyso ayaa waxaa diyaarisay Dowlada Imaaraadka carabta ka gadaal markii DFS ay howshaasi u xulatay.

Dowlada Somalia oo Siyaasad ahaan khilaafsan maamulka Somaliland ayaa waxa ay hadana ogoshahay in maamulkaasi uu helo xuquuqdii uu ku lahaa Dowlada.

Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Siilaanyo ayaa dowlada imaaraadka ka aqbalay in xubnaha Somaliland ay ku leeyihiin Baarlamaanka Somalia ay qaatan, balse howshaasi aan la shaacin si maamulka uusan u kasban kacdoon dhanka mucaaradka iyo shacabka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Wadan Isutagga Imaaraadka Carab H.H Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan, ayaa Axmed Siilaanyo ku qanciyay safarkii ugu danbeeyay oo ay ku gaaren magaalada Abu dhabi.

Sheikh Abadalla Bin Zayid, ayaa Siilaanyo u sheegay in muhiim ay tahay in la kala qaado Xuquuqda iyo qadiyada, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay heysato qadiyadeeda balse wixii xuquuq ahna ay qaadato.

Axmed Siilaanyo ayaa qaab qoraal ah looga sugayaa in Xildhibaanada cusub uu kusoo xulo, waxa ayna Xildhibaanadaasi xili hore isku soo diyaarin doonaan magaalada Muqdisho, si aysan xasarad u dhalin.

Dhawaan ayay aheyd markii madasha Muqdisho laga soo saaray go’aan ah in Somaliland iyo Puntland ay xubnaha ugu badan ku yeelan doonaan Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com