Xog: Qorshe la rabo in xisbiyada siyaasadeed lagu baabi’iyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Yuusuf iyo Zeynab Caamir oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xadido Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira Dalka.

Labada Xildhibaan ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Xisbiyada loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan hormarinta Bulshada iyo wacyi gelintooda balse aysan noqon Xisbiyo Siyaasad oo keliya ku koobma.

Xildhibaan Cabdi Yuusuf iyo Zeynab Caamir aya sidoo kale sheegay in Xisbiyada Dalka ka jira loogu baahan yahay iney noqdaan kuwa u dhaxeeya bulshada dhan balse aysan ku egaan Xisbiyo Qaab qabiil wax loogu qeybsado.

Shalay ayay ahayd Markii Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Dalka oo muddo horyaalla Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com