Xog: Xasan iyo Uhuru oo heshiis ka gaaray kiiska badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta la gaaray heshiis ku saabsan kiiska badda Soomaaliya ee yaalla maxakmadda caalamiga ah ee caddaaladda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan ayaa kadib safarkiisii Dhadhaab ee shalay gaaray magaalada Nairobi, isaga oo isku dayaya inuu Kenya ka dhaadhiciyo inay ka laabato go’aanka ay ku xireyso xeraxa qaxootiga ee Dhadhaab, oo ay ku jiraan boqolaal kun oo Soomaali ah.

Madaxweynaha Somalia oo ayaa iminka u dabcay Dowlada Kenya isaga oo qadar yar un kadib markii uu kasoo degay Garoonka dhexda u galay Madaxweynaha Kenya, Ku-xigeenkiisa, Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya iyo Diblumaasiyiin kale, waxaana shirkaasi gaarka ah ee khuseeya xal u raadinta Muranka Badda oo ay dhawaan furi doonto Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada garwadeen ka ahaa Danjiraha Mareykanka u fadhiya Nairobi iyo diblumaasiyiin kale.

Wada-hadallo uu madaxweyanaha la yeeshay Uhuru Kenyatta, ayaa dowladda Kenya waxa ay ugu soo bandhigtay shardi ah in dib loo dhigo kiisa badda Soomaaliya ee dhageysigiisa la qorsheeyey bisha September ee sanadkan, ayada oo Kenya ay taa baddalkeeda ka laaban doonto go’aanka ay ku xireyso xerada Dhadhaab.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aqbaly soo jeedinta Kenya, waxaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in kiiska dib loo dhigo illaa muddo sanad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dalbaday laba arrin oo kale ah:-

1- In warqad dib loogu dhigaayo dacwada Badda uu u qoro Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ka hor inta aan la gaarin Bisha September ee soo socota.

2- In heshiiska sida KMG ah loogu hakinayo dacwadaasi ay u gaar ahaan doonto Xasan Sheekh, Kenya iyo Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo iyadu garwadeen ah.

Xasan iyo Uhuru ayaa la filayaa inay si wada jir ah warqad ugu qoraan maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda kuna dalbadaan dib u dhigista kiiska.

Dalka Kenya ayaa bisha March ee sanadda 2017 waxaa ka dhacaya doorashada madaxtinimada, waxaana Uhuru uu rumeysan yahay in haddii kiiska badda looga guuleysto Kenya ay taas meesha ka saari doonto in dib loo soo doorto, sidaa darteedna wuxuu Xasan Sheekh ka dhameeyey in laga dhigo kadib doorashadiisa.

Shirka u dhexeeya Xassan Sheekh iyo Dowlada Kenya ayaa waxaa banaan joog ka ah Wafdiga Xassan Sheekh ku wehlinaaya safarka kuwaasi oo qudhooda laga qarinaayo arrintaani sida hoose loogu xalinaayo muranka, waxa uuna qorshahaasi gaar u yahay Xassan Sheekh oo iminka xilka kasii dagaaya.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili Xasan Sheekh uu kasii dagaayo xilka madaxtinimo, islamarkaana go’aanada iyo heshiisyada uu galay ay cawaaqib ku yeelan karaan mustaqbalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com