Caasimada Online oo heshay halka iyo warqadda lagu magacaabay Yuusuf Garaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa si gaar ah u heshay warqadda xilka safiirnimo loogu magacaabay Yuusuf Garaad Cumar iyo halka uu dalka Soomaaliya uga wakiilka noqon doono.

Dhowaan ayay ahayy markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen dhowr safiir oo uu ka mid yahay Yuusuf, oo aan la shaacin dalalka loo magacaabay, hase yeeshee Caasimada Online ayaa iminka noqoneysaa warbaahintii ugu horreysay ee shaacisa xilka Yuusuf Garaad.

Madaxweynaha Soomaalida ayaa habeenimadii xalay ahayd ku magacaabay Yusuf Garaad Cumar in uu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay isagoo markaa bedeli doona, Danjire Dr. Axmed Cilmi Ducaale.

Magacaabista Yuusuf Garaad ayaa noqoneysa xilkii labaad oo muhiim ah oo madaxweynaha uu siiyo beesha uu Yuusuf kasoo jeedo.

Waxaa uu madaxweynaha maalmo ka hor u magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Ururka Midowga Africa iyo dalka Itoobiya Maxamed Cali Nuur oo ay isku beel yihiin safiirka cusub ee hadda loo magacaabay Qaramada Midoobay Yusuf Garaad Cumar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado in uu mar labaad u tartamo kursiga madaxweyne ayaa waxaa uu taageero ka raadinayaa qof walbo oo uu is leeyahay kaalin ayey ka qaadan doontaa soo noqoshadaada.

Magacaabiddan deg-degta ah ayaa waxaa aad u hadal haya siyaasiiyiinta iyo waxgaradka u dhuun duleela siyaasadda Soomaaliya.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa arrintan ku tilmaamay mid sii kala fogeyn doonta xiriirka mugdiga badan ku jiro ee hadda u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo beesha Xawaadle, oo Danjire Dr. Axmed Cilmi Ducaale uu kasoo jeedo

Halkan ka akhriso waraaqdii lagu magacaabay Yusuf Garaad oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/06/0607033053906070326229ImagePDF.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimad@live.com