Jeelle oo sheegay qorshaha laga leeyahay inkiraadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay in mugdi la geliyaa maqaamka gobolka Banaadir uu ku leeyahay aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay iney arintaasi ugu wacan tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dano gaar ah ka leh maqaamka gobolka Banaadir, sida uu sheegay siyaasiga oo warbaahinta la hadlay.

Salaad Cali Jeele, ayaa sheegay in dastuurka ku qoran tahay maqaamka gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sare balse ay jiraan dad dano gaar ah leh oo  ku tumanaya dastuurka dalka u yaala.

“Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed”.

“Gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.”ayaa lagu yiri hishiiskii madasha ee dhawaan soo baxay.

Ugu dambeyn siyaasiga ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka iney arintaan soo farageliyaan oo si weyn ay kaga hadlaan, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com