Walaalo dhagoolo ahaa iyo qof dumar ah oo lagu dilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay dilal naxdin leh ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dilalka ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana wararka sheegayaan in lagu dilay seddex ruux oo mid kamid ah haweeney ay aheyd, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dilka ayaa waxaa dadka loo geystay kamid ahaa labo wiil oo walaalo ahaa sida la sheegayna dhagoolo ahaa, kuwaasi oo lagu dilay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada Heliwaa, lamana oga cidda ka dambeysay dilka wiilasha iyo haweeneyda.

Dilalka qorsheysan oo maalmihii ugu dambeeyay ku yaraa magaalada Muqdisho ayaa u muuqdo kuwo dib loo bilaabay tan iyo bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maalin ka hor Ramadaanka ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dileen Wariye Sagal oo ka tirsaneyd raadiyaha dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com