Musharax Ameeriko oo kasoo horjeestay go’aanadii Madasha

Iyadoo go’aan ay ka soo saareen Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran arrimaha Doorashooyinka ayaa waxaa ka soo horjeestay go’aanadooda Musharrax Maxamed Cali Ameeriko.

Musharrax Maxamed Cali Ameeriko ayaa ugu horreyn wax laga xumaado ku tilmaamay in Go’aankii ay soo saareen Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran uu ka mid ahaa in 18 xubnood hor leh lagu daro Xubnaha Aqalka Sare xilli weli aan xuquuqdooda la siinin Malaayiinta qof ee ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay Mr Ameeriko in uusan ka soo horjeedin xuquuqda Maamul Goboleedyada kale ee Soomaaliyeed balse loo baahan yahay Xaqsoor isagoona hoosta ka xariiqay in Gobolka Banaadir dhaqaalaha ka soo xarooda lagu taabo geliyo adeegyada maamullada kale haatana aysan mudneen in xaqooqda la duudsiiyo.

Dhinaca kale Musharrax Maxamed Cali Ameeriko ayaa soo hadal qaaday in Mushaar la’aan ay ahaayeen shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Qalabka sida muddo 6 bilood isagoo isweydiiyay meesha ay ka baxday Mushaaraadka muwaadiniintaas maadama dalka Canshuurihiisa la qaadayay.

Xalay ayaa Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran Go’aanno ka soo saareen shir indhawaanahaan uga soconayay Magaalada Muqdisho