Maxaa bilow u ah sharciyada lagu xulanayo murashixiinta madaxtinimo doonka ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-haynta ugu badan ee bilooyinkii la soo dhaafay ayaa ahayd Akhbaaraadka ku xiriirsan Doorashooyinka Dadban ee Somalia iyo dib-dhaca Hiigsigii sannadka 2016-ka oo Riyo Khiyaal ah noqotay.

Madaxdeenna weli Biseyl Siyaasadeed kama muuqdo, waxayna Doorashadda u arkaan Aalad lagu tafi karo Mansabka ugu sarreeya Hoggaanka dalka iyo Xilalka kale ee tayeysan.

Meerto-siyaasadeedka noocaasi ayaana lagu soo nolol-qaatay tan iyo Waayihii Dagaal-ogayaashii hore, waana hab uu Mas’uul kasta rumeysan yahay inuu kaga dhex muuqan karo Masraxa Siyaasadda ee dalka.

Musharaxnimadda ayaa iyadana loo arkaa Hoobaan iyo Durdur laga macaashi karo, marka laga gudbo Loolanka shidada badan, wuxuuna Musharaxa oo ku hungooba u arki karaa inuu kharaj ku bixiyey tacab khasaaray.

Waa Hubaal inuusan dalkeenna ka jirin Xeer xeerinayo, isla markaana xakamaynayo Musharixiinta xilka Madaxtinimadda u arka Fursad mar-la-arag oo ay kaga macaashi karaan Xilka iyo Awoodda Hoggaaminta Qaran ee loo idmanayo.

Waana doqonimo iyo Xilkas-darro inay Siyaasiyiinta Soomaalida badankooda muhiimadda siiyaan inay muddada ay Talada hayaan ku dhaqmaan Musuq, Caddaalad-darro, Nin-tooxsi, Ku-takrifal iyo in isku milmaan Hantida Shaqsigaas iyo Hantida Qaranka.

Waana hubaal inaysan jirin Maxkamad ama Qoddobo Dastuuri ah oo amar buuxa ku bixinaya in Murashax kasta min Madaxweyne ilaa Xilalka kale la diiwaan-geliyo Hantidiisa Khaaska, gaar ahaan Maaliyadda iyo Hantida Ma-guurtadda, si loo ogaado Heerka Hantida uu haystay ka hor inta aan Xil loo idmanin.

Mana jirto Ifafaalo muujinaysa inay jiraan Murashixiin oggola in Heerka Diiwaan-gelinta la marsiiyo ama ay Muwaadiniinta Soomaalida la wadaagaan Hantida ay haystaan ka hor intaan Xil Dowladeed loo dhiibin.

Murashixiinta Madaxtinimadda ee xilligan ayaana calow badan ka dhex jiraa, mana jirto Murashax hal-ku-dhegiisa Ololaha Doorashadda ku muujiyey inta ay la eg tahay Hantidiisa (Maaliyad, Gaadiid, Hay’addo, Wershado, Shirkado iyo wax kasta oo Hanti Ma-guurto ah).

Waana Nidaam lagu heli karo Murashax la og yahay Hantidiisa, isla markaana lagula xisaabtami karo marka uu Xilka ka degayo qaabka uu ku tacbay Hantida ku soo korodhay Hantida loo diiwaan geliyey.

Waa Tijaabo Siyaasadeed lagu heli karo Murashax ka hufan Musuqa iyo Boobka Hantida Qaran oo ay in badan oo ka mid ah Murashixiinta Madaxtinimadda lagu xanto inay kaydsadeen Booli-qaran.

Qoddobka kale ee Murashixiinta lagu xulan karo ayaa la dhihi karaa waa Heerka Daacadnimadiisa iyo Ilaalinta Ammaanadda Qaranka, waana naadir in la helo Murashax sifahaasi yeelan kara.

Ballanqaadka Siyaasadeed ee Ololaha Doorashadda ayaana lagu tilmaami karaa Nidaam lagu doonayo in Codad badan looga helo Xildhibaanadda, waxaana la og yahay in Murashax kasta uu meesha kaga tago Ballanqaadiisa, marka loo cimaamado Xilka Madaxtinimadda.

Inkastoo aysan Dadweynuhu lahayn Xulashada Murashaxa u qalma Madaxweynaha Qaranka, haddana waxay rumeysan yihiin in Xildhibaanadda wax dooranayo ku xirnaan doonto Murashaxa ay u arkaan inuu u qalmo Madaxweynaha 10-aad ee Somalia.

Hadadaba, waxaa isweydiin mudan: Maxaa asaas u noqon kara Nidaamka xulashadda ee Murashixiinta Madaxtinimadda, ma in lagu taageero Beelnimo, Isbahaysi, Cod Lacagaysan ama docda kale ee wanaagsan sida Waddanimo, Aaminaad, Hawlkar iyo U Adeegidda Danaha Dadka, Dalka iyo Diinta?

Waana Hal-xiraale Siyaasadeed oo mudan in loo helo jawaabo waafi ah, si aan loogu khatalmin Madaxweyne ujeedo dano badan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com