Musharax loo xiray kursi xildhibaan oo weerar culus lagu qaaday + Khasaaraha

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Musharax u taagan kursi xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo u taagan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka maanta lagu qaaday.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay noo sheegen goobjoogeyaal.

Weerarka lagu qaaday Maxamed Dheere ayaa salka ku haya khilaaf xoogan oo ka taagan kursiga xildhibaan ee uu isku soo taagay, kaasi oo la soo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta Musharax Xildhibaan Maxamed Dheere siiyay shahaadada musharaxnimada, ayada oo lasii xoojiyay amniga musharaxa oo hore uga mid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland.

Kursiga HOP#192 ee uu isku soo taagay Maxamed Dheere ayaa waxa lagu wadaa in maalinta berri ah ay doorashadiisa ka qabsoomto magaalada Garoowe, taasi oo dab ku sii shiday xiisada ka taagan kursigaas, maadama ay ka hor-yimaadeen jufooyin la wadaaga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisada ka dhalatay loolanka kursigaas ay ku baxeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe, si loo qaboojiyo oo aysan u dhicin beegsiyo kale.