Musharixii lagu dhaawacay Garoowe oo xildhibaan loo doortay – Side u dhacday?

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadooda ay tahay gudaha magaaladaasi.

Doorashada ayaa manta loo qorsheeyey illaa lix kursi, waxaana kursigii ugu horreeyey ee HOP#192 kusoo baxay isaga oo dhaawac ah Musharax Maxamed Faarax Nuux ((Dheere) oo ay shalay weerar gaadmo ah ku qaadeen rag hubeysan oo ku beegsaday Garoowe.

Maxamed Dheere ayaa loo xiray kursigan, waxaana la tartantay Ruweyda Maxamuud Maxamed oo uu isugu keensaday, si ay malxiis ugu noqoto

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyey in xildhibaan Maxamed Dheere uu helay 91 cod, halka Ruweyda ay heshay 1 cod oo kaliya, sidoo kale waxaa halaabay 2 cod.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo uu shalay dhaawac kasoo gaaray gacanta ayaa kusoo muuqday doorashada, waxaana weerarka lagu qaaday uu salka ku hayey khilaaf xoogan oo ka dhashay kursiga oo uu ugu dambeyn kusoo baxay.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dhinaca kale doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xiga ee loo qorsheeyey in maanta lagu doorto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Tallaabada ay Puntland u qaaday dhanka doorashada ayaa qayb ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.