MADASHA BADBAADADA GALMUDUG oo war kasoo saartay xiisadda Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madasha Badbaadada Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadashay xaaladaha amni darro ee kasoo cusboonaaday deegaanada maamulka Galmudug, ayada oo ugu baaqday in la joojiyo dagaalka.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay xaaladaha amni darro, gaar ahaan dagaalka ka socda deegaanka Hiraale ee hoostaga degmada Ballanbale ee gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaaro nafeed oo ballaaran.

“Madasha Badbaadada Galmudug waxay ugu baaqaysaa waxgaradka ka soo jeeda beelaha walaalaha ee dagaalku u dhexeeyo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, laguna xaliyo wada-hadal iyo nabadeyn arrimaha sababay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyey ee ku soo beegmay xili abaaro ba’an ay ku dhufteen deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Badbaadada Galmudug.

Waxay ugu baaqeen maamulka Galmudug in uu qaaato kaalinta mas’uuliyad iyo midda akhlaaqeed ee ugu aadan joojinta colaadaha soo noq-noqdey ee deegaanadaas, islamarkaana uu si deg deg ah ciidamo ugu diro deegaanada dirirtu ka socoto.

Sidoo kale Madasha ayaa si adag ugu jeedisay madaxda maamulka Galmudug inay si dhaqsa ah u diyaariyaan jawi wada-hadal iyo gogol nabadeed oo laga dhex furo dhinacyada dagaaladu ka dhaxeeyaan, si loo soo celiyo amniga iyo wada-jirka dadka reer Galmudug oo xiligan wajahaya xaalad adag.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha maamulka Galmudug ku dhaliileen in uusan gudan waajibkii loo igmaday, kuna mashquulsay danahiisa gaarka ah, ayaga oo baaq u diray xukuumadda dhexe, wadamada deeqaha bixiya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga qeyb qaato gurmadka Galmudug.

Si kastaba, Madasha Badbaadada Galmudug oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa waxay hore si adag uga hortimid hogaaminta Qoor-Qoor iyo hanaanka uu ku wajahay xaaladaha deegaanada maamulkaas, waxayna qeyb ka yihiin olole hogaan cusub loogu sameynayo maamulka.