R/W Rooble oo la kulmay Maxamed bin Zayed iyo Imaaraadka oo aqbalay…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu maanta Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Bin Zayed waxaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsiga ugu awoodda badan dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la sheegaa inuu yahay hoggaamiyaha dadban ee dalkaas.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Maxamed ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, iyo hababka lagu xoojin karo. Waxay sidoo kale is-weydaarsadeen arrimaha sida gaarka ah u quseeya labada dal. 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyay Sheekh Maxamed Binu Zayed iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Zayed ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay mowqifkii xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.