28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Musharax Xasan Sheekh ka taageero badan oo qabsaday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweynta Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwo badan oo gaar loo leeyahay ayaa lagu arkayay magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu dhajiyay boorarka Farmaajo.

Waxaa aad loo dareemayaa diyaar garow weyn oo loogu jiro ra’iisul wasaare hore Farmaajo, waxaana muuqata in shacabka taageersan yihiin.

Laakiin waxaa muuqata in shacab aysan waxba dooraneyn, iyadoo sanadkii 2012 Farmaajo uu helay codad aad u yar oo aan laga fileyn.

Sawirada Farmaajo ayaa qaarkood waxaa lagu daadiyay isgoyska magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay dadka oo isku dagaalaya.

Xasan Sheikh  iyo xulafadiisa ayaa dareemaya culees weyn oo ku aadan sida shacabka ula dhacsan yihiin Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News