25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Musharaxii madaxweyninihii ugu horreeyay oo tanaasulay.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faadumo Dayib oo ah Haweeney 44-sano jir kana mid aheyd Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah, ayaa mar kale shaacisay inay muujisay tanaasul Musharaxnimadeeda ah.

Faadumo Dayib, waxa ay sheegtay in marnaba aysan fileynin inay ka tanaasusho Musharaxnimadeeda hayeeshee ay sabab u tahay waxa ay ugu yeertay Musuqa iyo faragalinta lagu hayo Doorashooyinka.

Faadumo Dayib, waxa ay tilmaantay in musuqa ka jira dalka uu sabab u noqday inay muujiso tanaasul iyadoo cabasho ka muujisay hanaanka loo dhaqan galinaayo nidaamka 4.5 oo saldhig u noqday Siyaasada Somalia.

Waxa ay sheegtay in ololaheeda ay u weecineyso la dagaalanka Musuqa ku dhexmilan Siyaasada Somalia iyo guud ahaan shaqooyinka ka jira dalka oo lagu asteeyay hanaan musuq.

”Waxaan muujiyay Tanaasul waxaan howsheyda u weecin doonaa adeegsiga Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa, waayo waxaa dalkeena kusii baahaya Musuqmaasuqa”

”Waayo nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 ayaa dastuurka waafaqsaneen, taasi waxa ay shaki galineysaa talaabo waliba oo aan ku dhiiran lahaa qaadisteeda”

”Tanaasulkeygu waxa uu soo degdegay markii aan arkay Mas’uuliyiinta ugu sareysa ee musharaxiinta ah oo ku dhiiranaayo sida ay ugu shuban lahaayen iyagoo adeegsanaaya dhaqaalaha dawlada iyo qalabka si ay u maal galiyaan ololaha iyaga u gaar ah”

Faadumo Dayib oo la hadleysay saxaafada ayaa sheegtay inay aad u dhaliilsan tahay 18 ka kursi ee dheeraadka ah ee lagu daray Golaha Sare ee Baarlamaanka oo ay ku tilmaantay mid aan dastuurka waafaqsaneen.

Sidoo kale, Faadumo Dayib ayaa carabka ku adkeysay in murashaxiinta Madaxweynenimada ee ka baxsan maamulka aysan hawa laheen inay ku guuleystaan doorashada haddii aysan raacin iyada fikirka ay soo jeedisay ee ah isbahaysi lagu taageerayo hal musharax.

Haddalka iyo Tanaasulka Faadumo Dayib ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan Musharaxiinta Madaxwweynima doonka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News