Musharaxiinta Galmudug oo maanta jeedin doona khudbadaha

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta ay bilaabaan dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa Musharaxiinta ku kala soocan doona tayada iyo ballanqaadyada uu sameynaayo musharax waliba.

Waxaa sidoo kale magaalada Cadaado ku sugan dhammaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka kuwaa oo dhexgal ku haya Xildhibaanada wax kala dooran lahaa.

Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada weydiisanaaya codadka waxa ayna u sameynayaan ballanqaadyo gaar gaar ah.

Dhinaca kale, maalinta beri oo ku beegan Axad ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET