Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga oo xilka laga xayuubiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow soo baxaya ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Macalin Nuur.

Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaa xilkaani hayay muddo ku dhow Todobo sano, iyadoo uu xilka qabtay xiligii dalka ay ka talineysay dowladii uu Hogaaminaayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaa la dhashay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur, taa oo sabab looga dhigay xil ka qaadistiisa.

Xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaan wali loo magacaabin shaqsi kale waxaana la sheegayaa in magacaabida xilkaasi lagala tashan doono Madaxweynaha iyo Wasiirga Difaaca Xukuumada Somalia.

Qorshaha xilka looga qaaday Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaa qeyb ka ah Isbedel ay wado DFS oo dhawaan lagu sameeyay Mas’uuliyiin dhowr ah oo qaarkood aan wali loo dhiibin xilal kale.

Ma cadda shaqsiga loo dhiibi doono xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Macalin Nuur.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET