27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qarax ka badbaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax dhawaqiisa inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu yahay mid ka dhacay agagaarka xaafadda Taleex ee magaalada Muqidsho.

Warar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Sida uu Xaqiijiyay Guddoomiyaha D/Hodan Xildhibaanka Qaraxa ka badbaaday waa Xildhibaan Maxamuud Abuukaate Guddoomiye Kuxigeenkii Hore Ee D/C/casiis.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay.

La soco wararkeena danbe insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News