27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Musharaxiinta ku loolameysa doorashada HirShabelle oo ku qulqulaaya xarunta diiwaan galinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle goordhow ka bilaabanaaya is diiwaan galinta musharaxiinta u tartameysa doorashada madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Musharaxiinta qaar ayaa iminka gaaray Xarunta loogu tallo galay diiwaan galinta kuwaa oo wada dhammaan shuruudaha musharaxiinta.

Xarunta diiwaan galinta ayaa waxaa ku sugan ciidamo farabadan oo la sheegay inay adkeynayaan amaanka Xarunta.

Ciidamo kale oo iyana aad u farabadan ayaa waxaa lagu arkayaa magaalada Jowhar kuwaa oo qaarkood gaadiidka dagaalka ku jaray waddooyinka muhiimka ah.

Ilaa iyo 4 Musharax ayaa u taagan qabashadda xilka Madaxtinimadda maamulka Hirshabeelle, waxaana suuragala ah in maanta laga soo dhamaado diiwaan galinta.

Sidoo kale, 12-ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Maamulka HirShabelle ayaa muddo kooban ku yeelanaaya Madaxweynihii labaad oo looga danbeyn doono talada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News