Kheyre oo ballan-qaaday fulinta hal arrin oo dhibaato badan ku heysa shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadiisu ay isku howli doonto xal u helida Garsoor xumida ka jirta Somalia.

Ra’isul wasaare Xasan waxa uu tilmaamay inay dhabar jabin doonaan cid waliba oo ay ku cadaato sifo cadaalad darro iyo mid musuq-maasuq oo ka taagan xarun dowladeed.

Waxa uu Kheyre bidhaamiyay in howsha ugu weyn oo ay xooga saari doonaan ay noqon doonto la dagaalanka cadaalad darida ka jirta xarumaha dowlada.

Waxa uu cadeeyay in sharciga dowlada uu noqon doono mid lagu ciribtiro cadaalad darida ka jirta Somalia, wuxuuna ballanqaaday inaanu xil sii heyn doonin kuwa ku dhuunta raadinta cadaalada.

”Horay ayaan u sheegnay hadana waan ku celineynaa in dowladaani aysan ka shaqeyn doonin kuwa caadeystay ka macaashida cadaalada dalka”

”Waxaan diirada saareynaa helida cadaalada luntay madaxweynaha horay ayuu u ballanqaaday anaguna waan ka shaqeynayaa sida uu dalkaan ku heli lahaa cadaalad”

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ballanqaaday in fulinta ballamaha uu ka dhex bilaabi doono Golihiisa Wasiirada si Somalia ay u wada gaarto Cadaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com