26.7 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Musharaxiinta oo shaki ba’an ka qaba 3 arrin oo aan wali wax laga qaban

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaara oo u dhexeeya Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi.

Kulanka Guddiga iyo Musharaxiinta ayaa salka ku haya xal ka gaarida 3 qodob oo shaki ba’an galiyay Musharaxiinta kuwaa oo xalin u baahan xiliga doorashada ka hor.

Musharaxiinta ayaa Guddiga ka dalbaday in xalinta qodobada kala ah:

1-In Guddiga xiliga doorashada ka hor laga dhexsaaro Xubnaha la ogyahay inay la safan yihiin misna taageersan yihiin Musharaxiin gaara.

2-In Musharaxiinta aysan aqbali doonin misna fulin doonin qodob waliba oo kasoo baxa Guddiga ee aan lagalatashan.

3-In howlaha Guddiga ee la xiriira Doorashada laga saaro dhammaan waxyaabihii ka danbeeyay Heshiiska lagu soo saaray Jadwalada, isla markaana wax waliba loo dhaqan galiyo sida loogu tallo, galo, waxaana qodobkaani kasoo horjeeda Guddiga, oo ku doodaaya in howlaha Doorashada lagu kordhinkaro wax waliba oo ahmiyad u ah doorashada.

Musharaxiinta ayaa ku doodaya in shakiga iminka haya uusan ka bixi doonin ilaa iyo wax muuqda laga qabto tabashooyinkooda, waxa ayna tilmaameen in dadka howsha loo hayo ay iyaga yihiin.

Musharaxiintu waxa ay sheegen in Guddiga Doorashada ay yihiin kuwo saacadihii ugu danbeeyay ku dhaqaaqaayay inay muujiyaan cida ay codka siinayaan isla markaana ay taageersan yihiin.

Geesta kale, Guddiga Doorashada ayaa lagu wadaa in Saacadaha fooda nagu soo haya ay qanciyaan Musharaxiinta tabashada muujineysa, waxaana laga yaabaa in Guddiga Doorashada laga saaro xubnaha looga shakisan yahay inay taageero gaara u yihiin Musharaxiin kala duwan, maadaama ay mamnuuc ka tahay inay taageeran Musharax gaara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News