Xog-warran: Guul darradii Amina ee Addis-Ababa iyo saameyntii Polisario

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Isbadalkii dhacay daqiiqadii ugu dambeysay iyo diidmadii dowladaha Uganda, Jabuuti iyo Burundi ay diideen inay u codeeyaan Kenya ayaa hormuud u ahaa guuldaradii soo gaartay wasiirka arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed, taasi oo ka hor istaagtay inay noqoto guddoomiyaha Midowga Africa.

Faahfaahin lama filaan ah ayay Addis Ababa Isniintii kala kulmeen diblumaasiyiinta Kenya, taasi oo ka dhigan inay lumiyeen olole socday muddo seddex bilood ah, kuna kacay350 Milyan oo lacagta Kenya ah.

Kadib codeyn toddoba wareeg ah oo la galay ayaa Aamina Maxamed waxaa xilkaasi kaga guuleystay wasiirkii arimaha dibada Chad Mussa Faki Maxamed.

Wasiirka arimaha dibada Chad Mr. Muusa oo sheegay inuu Africa darted xabbad isugu dhigi lahaa, ayaa noqday hogaamiyihii afaraad ee qabta xilka guddoomiyaha midowga Africa, kana soo jeeda dalalka luuqadda Faransiiska looga hadlo.

Laakiin maxaa sabab u ahaa guul-darradii lama filaanka ee Kenya?

Inkasta oo dhowr sabab loo aaneynayo guul-darrada Aamina, haddana sababta ugu weyn ayaa mas’uuliyiinta waxay ku sheegeen dalka dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Kenya ayaa adeegsatay siyaasad laba qalbiyeen ah, ayada oo isku dayday inay labo dhinac codad ka hesho. Waxa ay dalalka taageersan Morocco u sheegtay inay ogoshahay in Morocco dib loogu soo celiyo xubin nimadeedii Midowga Afrika.

Sidoo kale Kenya ayaa u sheegtay wadamada taageera madax banaanida Saxaraha Galbeed iyo jabhadda u dagaalanta xorriyadeeda ee Polisario inay dhankooda raacsan tahay, taasi oo muujineysay inay labo dhinac ciyaar la dheeleysan, wallow markii dambe ay iyaga banaan cidlo ah kusoo dhaceen.

Aamiina Maxamed ayaa sidoo kale waxay naqdin kulul kala kulantay diidmada Kenya ee maxkamada ICC, oo Kenya ay ku goodisay marar badan inay ka baxeyso, waxayna codad ka weysay dalalka taageersan maxkamadda iyo inay sii jirto.

Madaxda dalalka Africa qaar ayaa u arka Aamina inay si dhow ugu xiran tahay madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta, waxayna is weydiiyeen sida ay dhex dhexaad ku noqon karto haddii loo dooran lahaa xilkaan. “Miyey awoodi laheyd inay ka hortimaado Uhuru haddii la doorto” ayaa la isweydiiyay.

Intii ay socotay ololeynta hore, Aamina ayaa taageero ka heshay wadamada Bariga Africa, hase yeeshee qaar ka mid ah dalalkaas balan-qaadkooda uma aysan beddelin codad.

Dowlada Uganda, Jabuuti iyo Burundi ayaa u codeeyay Kenya wareega koowaad, waxayna ka caawisay Aamina iney hesho 16 cod, halka Guddoomiyaha guuleystay uu helay 14 cod, waxaana codadka soo haray kala helay Botswana iyo Equatorial Guinea.

Si kastaba saddexdaas ayaa dal ayaa Aamina meel cidlo ah uga tagay wareegyadii xigay, ayaga oo codadkooda siiyey ninkii ay la tartameysay, halkaas oo Aamina ay ku weysay codad u ballan-qaadnaa.

Maadaama Aamina ay wareeggii u dambeeyey heshay 25 cod, islamarkaana Mussa Faki Maxamed uu helay 28 cod, waxaa caddaatay in saddexda cod ee Uganda, Djibouti iyo Burundi ay noqdeen kuwii Aamin ay xilkan ku weysay. Lama yaqaan sababta ay saddexdan dal gu ballan fureen Aamina.

 

Caasimada Online
Xafiiska Nirobi 
Caasimada@live.com