Musharaxiintii u badneyd oo hal mar la shaaciyay iyo kuraasta ay u tartamayaan

Baraawe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay Musharaxiinta isu-soo sharaxay 13-kii kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe.

Musharaxiinta uu guddiga shaaciyay ayaa tiradoodu tahay 26 Musharax, waxayna doorashadooda kala qabsoomi doonta maalinta berri ah ee Arbacada oo la dooranyo 7 kursi iyo Khamiista oo la dooranayo 6 kursi.

Waxaa xusid mudan in kursi walba oo kamid ah 13-ka kursi ee Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ay u tartamayaan labo musharax oo keli ah, oo qaarkood ay yihiin kuwii hore ugu fadhiyay kuraasta.

Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday u diyaar-garowga doorashada oo maalinta berri ah si rasmi ah uga bilaaban doonta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga doorashooyinka heer federaal, waxaana qorshuhu yahay in doorashadaan la soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, oo hore u go’aamiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan