Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa habsami u socodka doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo ka socota magaalada Muqdisho iyo maamulada dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray sidii ay guddiga qeyb uga noqon lahaayeen hufnaanta doorashada, maadama ay qabtaan dacwadaha iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada.

“Kulanka wuxuu ku saabsanaa is xog-waraysi ku saabsan arrimaha doorashada iyo sidii loo dardargelin lahaa habsami u socodka, hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada,” ayaa lagu yrii qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ah guddi laf dhabar u ah doorashada waana guddiga ugu dambeeya ee go’aan ka gaaraya Natiijada doorashada Xildhibaanada la doortay.

Guddiga ayaa dhawaan doortay guddoon cusub, ayada oo Maxamed loo doortay guddoomiye, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta.

Doorashada Goloha Shacabka oo weli kasii socota dalka ayaa lagu wadaa in la soo gabo-gabeeyo 25 Febraayo 2022, oo ay shirkii u dambeeyay ee doorashada ku go’aamiyeen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.