Sawirro: Xaalada Beledweyne oo caawa cakirantay kadib dilka nabaddoon caan ah

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa hal mar is bedeshay, kadib markii lagu dhex dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo caan ka ahaa magaalada, kana kamid ahaa odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa Nabadoonka ku dishay xaafadda Buundo-weyn, waxayna dilka kadib isaga baxsadeen goobta.

Dilka Nabadoonkaas kadib waxaa magaalada ka bilaawday howlagllo culus, waxaana dadkii ku sugnaa magaalada intooda badan laga soo saaray guryaha, si loo baaro, sidoo kale dadka socda wadooyinka iyo gadiidka ayaa mid mid loo baarayaa caawa.

Taliyaha ciidanka Nabad sigidda ee ka howlgala Beledweyne, Ibraahim Madaxey ayaa hoggaaminaya howlgalkaan oo caawa aad looga dareemayo magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dilka caawa loo geystay Nabadoon Cabdi Coloow waxuu ku soo aaday, xilli maanta madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu hey’adaha ammaanka amray in xaafad – xaafad loo baaro magaalada, si loo xaqiijiyo amniga doorashada ka dhaceysa magaaladaas.

Sidoo kale waxuu dilkaan dhacay iyadoo maanta ay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle la heshiiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas.