Prof. DALXA oo shaaca ka qaaday in laga reebay tartanka doorashada ee Baraawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqda in laga reebay tartanka doorashada, kadib markii galabta la shaaciyey xubno kale oo ku tartami doona kurisigiisa HOP#080.

Guddiga doorashada heer dawlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa galabta soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa 13-ka kursi ee maalmaha soo socda lagu dooranayo Baraawe, waxaana kuraastaas ka mid ah Hop080 oo Dalxa ku dhafiyey 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aan loo marin tartanka kursigiisa, oo odeyaashii saxda ahaa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin, isagoo shaaciyey in dad kale oo aan beesha aheyn ay howsha wataan.

Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil ayaa la shaaciyey inay ku tartami doonaa kurisiga Xildhibaan Dalxa. 26 musharax oo u kala tartami doona 13-ka kursi ee lagu bilaabayo doorashada Baraawe ayey qeyb ka yihiin xubnahaas ku loolami doona Hop080.

“Odayashii sharciga ahaa ee beeshu ay lahayd sida suldaanka iyo nabadoonka guud iyo labadii bulshada rayidka kuwiiba lama aqbalin,” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in ergada kursigaas soo dooranaysa ay yihiin kuwo uu soo gudbiyay musharaxa sida uu sheegay ‘kursiga loo xiray.’

Prof. Dalxa oo la weydiiyey in sanadkaan uu musharax yahay iyo in kale, ayaa sheegay in go’aankaas aan laga sugin oo mar hore go’aan laga gaaray kurisga beeshiisa, isagoo carabka ku dhuftay in qof gaar lala doontay.

“Aniga waxaan ku faraxsanahay in la i dulmiyo, hadiiba ay dhaceyso kii wax dulmiyay in aanan noqon oo berito aan ilaah subxaanahu watacaalaa la hortageyn oo markaas aan qofkii la dumiyay aan noqdo,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Dalxa ayaa ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageersanaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo saaxiib dhow ay yihiin Cabdicasiis Laftagareen oo iska leh go’aanka kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Hase yeeshee waxaa muuqata in Dalxa ku khasaaray saaxiibtinimadii Farmaajo oo la iska tuuray, sidaana lagu dhaafiyey kursigii uu mudada dheer ku metelaayey beeshiisa.