26.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Musharixiinta Galmudug oo saacado kooban loo qabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa saacado kooban u qabtay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo maalmo ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Galmudug.

Musharixiinta madaxweynaha Galmudug ayaa loo qabtay in 24 gudahood ay u tagaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Mahad Sheikh Cali Cibaar oo kamid ah gudiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in saacadaha loo qabtay ay kusoo xaroodaan musharixiinta dooneysa xilka madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu sheegay in musharixiinta loo yaaray ay yihiin kuwa diiwaan gashan oo la doonayo in la siiyo shahaadooyinkooda musharaxnimo, isagoo sheegay inay rajeynayaan in doorashada guul kusoo dhamaato.

“24 saac gudahood waa iney kusoo xaroodaan musharraxiinta diiwaangishan oo ay soo doontaan shahaadooyinkooda, haddii aan nahay guddiga doorashada aan shaqadii naloo igmaday sidii naloogu igmaday ay u dhici doonto, xafiiskii guddiga doorashada wuu furan yahay, waxaana rajeynayaa iney guul ku dhammaato” Mahad Sheekh Cali ayaa sidaasi yiri.

Doorashada Galmudug ayaa hakad ugu jirtay wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunna, walow aysan miro dhalin wadahadalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News