Maxaadan ogeyn oo ka dhacaya maanta magaalooyinka Jowhar, Beledweyne iyo Balcad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka HirShabeelle ayaa diyaariyay qorshe uu ku muujinaya sida ay kaga xun yihiin in diyaaradaha qaadka ee maalmahaan kasoo dagayay magaalada Jowhar la mamnuucaa.

Masuuliyiinta ugu sareyso maamulka HirShabeele ayaa diyaariyay banaanbaxyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ka dhacaya qaar kamid ah magaalooyinka Shabeelaha DHexe iyo Hiiraan oo maamulka uu ka taliyo.

Banaanaxyada ayaa qorshaha uu yahay inay ka kala dhacaan magaalada Jowhar, Balcad iyo magaalada Beledweyne oo Hiiraan ka tirsan, waxaana dadka dhigaya ay yihiin kuwo maamulka uu ku qasbayo inay sameeyaan banaanbaxa.

Waxaa banaanbaxa ujeedadiisa ugu weyn tahay in lagu muujiya sida ay kaga xun yihiin in dowladda Soomaaliya ay mamnuucdo diyaaradaha qaadka wada ee maalmahaan ka dagayay magaalada Jowhar.

Diyaaradaha Qaadka wadda ayaa u weecday Jowhar kadib markii dowladda SOomaaliya ay canshuur badan kusoo rogtay qaadka, waxayna taasi keentay in canshuur aad u yar ay kaga soo dagaan magaalada Jowhar.

Qaadkaasi ayaa kadib la keeni jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu sii iibin jiray, waxaana muuqata in maamulka Hirshabeelle uu dhaqaalo yar eeganayo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com