Xog: Qodobada xasaasiga ah ee ay ka wada-hadlayaan Farmaajo iyo Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dalka Turkiga gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo, waxaana lagu wadaa in saacadaha fooda nagu soo haya uu kulan la qaat dhigiisa dalka Turkiga Rejap Dayib Erdogan.

Kullanka labada Madaxweyne ayaa diirada lagu saari doonaa Xoojinta xiriirka, Amniga, Horumarka iyo Saraakiisha la filaayo in Turkiga uu dhawaan kasoo dajiyo magaalada Muqdisho kuwaa oo tababar gaara siin doona ciidamada Somalia.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sidoo kale dhigiisa kala hadli doona arrimaha Saldhiga Militery ee Imaaraadka uu ka dhisan doono magaalada Berbera.

Waxyaabaha sidoo kale looga wadahadli doono kullanka labada Mas’uul ee maanta la filaayo inuu dhaco ayaa waxaa kamid ah in dowlada Turkiga ay dardar galiso xiriirka kala dhexeeya Somalia iyo in lagu wargaliyo inaan la horjoogsan doonin mashaariicda ay Turkiga kawadaan Somalia.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kala saxiixan doona Heshiisyo lagu dardar galinaayo xiriirka labada dal iyo howlaha ay dowlada Turkiga kawado magaalada Muqdisho ee xudunta dalka.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale dhigiisa ugu Hambalyeyn doona guusha uu ka gaaray Aftida, waxaana la soo sheegayaa in Madaxweynuhu uu Erdogan kala tashan doono shirka la filaayo in dhawaan uu Somalia uga furmo magaalada London ee dalka Britain.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogaan ayaa lagu wadaa in booqasho uu kusoo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia sida laga soo xigtay ilo Diplumaasi waxa uuna xariga ka jari doonaa Xarun Millitery oo dhawaan dowladiisa ka dhisatay meelo aan kasii fogeyn xeebaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com