Xog: Halkee ku socdeen seddexdii qarax ee lagu qabtay Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa gelinkii dambe ee shalay qabtay qaraxyo la doonayay in lagu xiray seddex gaari oo horey loosii diyaariyay, si qaraxyada loogu fuliyo.

Qaraxyada la qabtay ka sokow ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ilaa shan ruux oo ku lug lahaa qaraxyada la qorsheeyay, waxaana ay bixiyeen xogo dheeraad ah oo ku aadan halka ay ku wajahnaayeen.

Ciidamada ayaa dadkaan qabtay kadib muddo saacado  ah oo ay daba joogeen maadaama xogo ay ka hayeen, sida saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ay sheegeen.

Xogaha laga helay dadka qaraxyada lagu qabtay ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo lagu diyaariyay haamanka waaweyn ee qaraxyada culus sameeya, lana doonayay in qaarkood lala eegtaa goobo dadweynaha ay ku kulmaan.

Qaraxyada kale ayaa la sheegay in loo qorsheeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland gaar ahaan xarumaha maamulka, walow saraakiisha aysan si wanaagsan u dhameystirin xogaha ay ka heleen dadka qaraxyada lagu qabtay.

Qaraxyada oo ahaa kuwo la diyaariyay ayaa waxaa lala doonayay in dhamaantood hal maalin laga geystaa magaalada Boosaaso, taasi oo qasaaro badan dhalin laheyd haddii ay dhici lahaayeen, maadaama gaaska qaraxyada kordhiya ay ku jireen waxyaabaha la qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com