Musharraxiinta oo ka digay in ciidamada Haramcad la geeyo garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa ka digay in ciidamada Haramcad la geeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo geliyey bartiisa Twitter-ka ayaa ka digay in garoonka Muqdisho la hoos geeyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, isaga oo tilmaamay in ay qalalaase ka abuuri karaan gudaha garoonka Aadan Cadde.

“In ammaanka garoonka caalamiga ah la hoos geeyo ciidamada Haramcad waa qatar, waxayna qalalaase ka abuureysaa garoonka,” ayuu yiri Musharrax CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya inuu ka hortago qorshahaasi, si looga feejignaado waxyeelo ka dhalan karta tallaabadaasi.

Ugu dambeyn AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayuu ka dalbaday inay ka feejignaadaan arrintaasi oo uu xusay inay waxyeeleyn karto amniga garoonka.

“Waxaa ugu baaqeynaa ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta inuu joojiyo tallaabadaan, AMISOM & QM waa inay ka feejignaadaan isku deyga lagu waxyeeleynayo amniga garoonka”, ayuu markale sii raaciyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo taliyaha Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos geeyey taliska qeybta ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-bannaan.