28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Musharraxiinta Puntland oo dhoolatus u sameeyay C/raxmaan Faroole

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa hjabeenkii xaley ka dhacday xaflad ay qabsadeen qaar ka mid ah musharrixiinta isku soo taagay doorashadda maamulka Puntland oo dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee sannadka soo socda 2014-ka.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen musharrixiin caan ah, waxa ay goobta ku soo bandhigeen hamigooda siyadda ee ku aadan doorashadda iyo haddii ay ku guuleestaan waxyaabaha ay qaban doonaan.

Dadka ka soo muuqday xafladda waxaa ka mid ah, Ra’iisal wasaarihii hore DKMG ah Cabdiweli Gaas, Dr.Saadaq Eenow iyo Xaaji Maxamed Yaasin.

Waxa ay ku baaqeen musharrixiintan in doorashadda Puntland ay noqonto mid si xalaal ah u dhacda, iyagoona ka codsaday ciidamada iyo shacabka in aysan la safan cid gaar ah.

Doorashadda maamulka Puntland ayaa kolkan wax badan ka badallan kuwii horre, waxaana loo badinayaa in la cuni doono Faroole sida ay lee yihiin dadka wax odorosa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News