Hadal ka soo yeeray DF oo si aad uga careysiiyey Somaliland (Muxuu ahaa?)

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay hadal ka soo yeeray dowladda Soomaaliya oo ah xirfad layaal caafimaad oo ka socda Somaliland in ay ka qaybgalayaan shirka looga hadlaayo  hannaanka caafimaadka dalka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland Nimco Sheekh Qowdhan oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in qof xil ka haya wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland aaney ka qaybgaleynin shirkaas.

Waxa ay beenisay hadal ay sheegtay wasiirka adeegga bulshadda Dr. Maryam Qaasim taasoo sheegtay in shirka Muqdisho ay ka qaybgalayaan xirfadlayaal ka yimid Soomaaliya oo dhan sida Burco, Laasacaanood, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kale oo dalka ah.

Hadalkaas wax ka jirro ma ahan wax qorsho ah isuguma jirto Somaliland iyo Somalia, cid Director oo shaqo heysa oo ka qaybgashay shirkaas ma jiraan” ayey tiri Nimco Qowdhan.

Waxaa la weydiiyay maxaa dhib ah oo ku jirra in la hormariyo caafimaadka guud ee dalka?

Waxa ay sheegtay in wax dhib ah aysan ku jirin balse waxa ay sheegtay in horrey ay u sameesteen caafimaadkooda oo qorshohooda uu gaar u yahay.

Si kastababa, Somaliland dhowr jeer oo horre ayey sheegtay in ay ka soo horjeedo qorshe guud oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday.

Somaliland waxa ay mar kasta iska riixdaa Soomaaliya sidaas oo ay tahay haddana wali waxa ay la’dahay aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com