Kenyatta oo ballan-qaad uusan oofin karin sameeyey, xilli Kenya xaalkeeda ay dunida oo idil ka yaaban tahay

Isaga oo daba socda ballamihii uu u qaaday in uu musuqmaasuqa la dagaalamayo iyo in tallaabooyina uu u qaadayo in madaxda arrimahaas gacmaha kula jiro awoodda laga qaadyo, ayaa Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu bilaabay bog cusub oo internetka ah oo shacabku ay si toos ah xafiiskiisa ugu sheegayaan xaaladaha musuqmaasuqa.

In kasta oo go’aanka maxadwaynaha ee soo dhexgalkiisa shakhsiyadeed ee arrintan inta badan loo arkay in ay tahay tallaabo Kenya u fiican — taas oo sumcad hoosaysa musuqmaasuqa ku lahayd sanado badan — ayaa shacabka qaarkood aysan wali ku qanacsanayn in sheegitaanka musuqmaasuqu uusan arrintan waxba ka qabanaynin.

Bogga musuqmaasuqa ka dhanka ah ayaa qayb ka ah rugta cusub ee madaxwaynaha ee internetka www.president.go.ke.

Dadka soo booqanaya rugtaas internetka ayaa soo gudbin kara fiidiyow, sawiro, cajalado maqal ah iyo dukumantiyo kale si ay eedaymahooda u xoojiyaan.

Si loogu dhiiri galiyo shacabku in ay musuqmaasuqa soo sheegaan, ayaa rugtu waxay kuwa isticmaala u oggolaanaysaa in aysan isa sheegin, sida ku qoran bayaan ka soo baxay xafiiska Kenyatta October 30-keedii. Dadka ayaa sidoo kale cabshooyinka ku soo gudbin kara iyaga oo isticmaalaya warbaahinta bulshada, ama iyaga oo farriin qoraal ah u diraya lambarkan 33000.

Bilaabidda rugtan ayaa imaanaysa wax ka yar hal bil markii Guddiga Kenya ee Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) uu qabtay shan qof oo hore uga tirsanaa Hay’adda Guriyaynta Qaranka (NHC) iyaga oo lagu haysto arrimo ku saabsan musuqmaasuq, iyo iyada oo guddigu uu bilaabay baadhitaan ku aaddangarsoorka oo lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq.

Ochieng Khairalla, agaasimaha guud ee Isutaga Shacabka ee Dhaqanka Dastuuriga, ayaa ammaanay tallaabada uu madaxwaynuhu arrintan sida shakhsiga ah uga qayb qaadanayo, isaga oo sheegay in ay arrintani dardar galinayso dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa.

“La dagaalanka akhlaaq darradan ayaa sanado badan u guuxaysay madaxwayne in uu ka qaato [go’aan ka dhan ah]. Madaxwayne Kenyatta ayaa arrintan iska xilsaaray. Madaxda iyo shacabka musuqmaasuqa ku jira ayaa haysta sabab ay aad ugu walwalaan,” ayuu yiri.

Geesinimo kasta oo ay tahay, ayaa tallaabada Kenyatta si kastaba ha ahaatee ay dhalin kartaa cadho siyaasadeed, Khairalla ayaa ka digay.

“Musuqmaasuqa ayaa leh qaab uu dagaal rogaal celin ah u qaado. Kuwa lagu tuhmo musuqmaasuqa ayaa laga yaabaa in ay dagaalka siyaasadeeyaan, laakiin madaxwaynaha ayaa u baahan niyad samida dhammaan Kenyaanka si uu dagaalka ugu guulaysto,” ayuu yidhi.

Madaxwaynaha ayaa u bahaan in uu wax ka qabto cabashooyinka sharciga ah ee uu helayo si uu fariin adag u diro oo ah in ay ka dhab tahay in uusan musuqmaasuq u dulqaadanaynin, Khairalla ayaa yidhi.

In kasta oo uu soo dhaweeyay dadaalka cusub ee Kenyatta, ayaa Boniface Mwangi oo ah la dagaalame dhinaca musuqmaasuqa ahna wariye sawirqaade ah ayaa sheegay in ay arrinatn tilmaan u tahay in madaxwaynuhu uusan kalsooni ku qabin awoodda EACC ee ah in ay shaqada si fiican u qaban karto.

“Waxaan leenahay hay’ad ka dhan ah musuqmaasuqa [EACC) oo u xilsaaran la dagaallanka ka dhanka ah [musuqmaasuqa], laakiin waxay u muuqataa in ay shaqadii ku badan tahay,” Mwangi ayaa sidaas sheegay.

“Ugu dambayntii, arrinta madaxwaynaha ayaa mas’uul ka ah, isaguna ma rabo in uu dhabarka u rito guuldarrada hay’adahaas,” Mwangi ayaa sidaas sheegay.

Dhanka kale, Khamiistii (November 7-deedii) ayaa xafiiska madaxwaynuhu wuxuu Twitter ku sheegay in warbixinnada musuqmaasuqa ee ay dawladdu ururisay loo gudbin doono EACC-da.

Cabashooyinka oo la soo gudbinayo

Ilaa Isniintii (November 4-teedii), ayaa rugta Kenyatta ee musuqmaasuqa ka dhanka ah loo soo gudbiyay 2,000 oo cabasho, Dennis Itumbi, oo ah guddoomiyaha Unugga Xidhiidhka Istaraatiijiyada Maxadwaynaha ee internetka, warbaahinta cusub iyo arrimaha qurba joogta, ayaa sidaas yidhi.

Sida uu qabo Itumbi, ayaa dadaalka madaxwaynaha uu dhamaystirayaa barnaamijta kale ee wax ka qabanaya musuqmaasuqa ee waddanka oo dhan, kuwaas oo ay ku jiraan shaqada ay dhaqdhaqaaqayaasha musuqmaasuqa ka dhanka ah ay wadaan sida Antony Ragui oo kale, oo ah aasaasihii rugta “Waxaan Bixiyay Laaluush”, kaas oo daba gal ku samaynayay musuqmaasuqa Kenya ilaa November 2011.

Itumbi ayaa sheegay in dawladdu ay qorshaynayso in ay codsato warbixinnada lagu uruuriyay rugta Ragui si ay xaaladahaas u baadho.

“Madxawaynaha ayaa u gudbin doona xaaladaha la soo gudbiyay qaarkood hay’adaha jira, isaga ayaana si shakhsi ah ula socon doona baadhitaannada socda iyo tallaabooyinkii laga qaaday,” Itumbi ayaa sheegay. “Madaxwaynaha ayaa xil gooni ah iska saaraya dagaal wada jir loogu jiro kaas oo waddanka oo dhan isu keenay isaga oo adeegsanaya warbaahinta bulshada.”

Dhiniciisa, ayaa Ragui waxa uu sheegay in ilaa Khamiistii uusan wax hadal ah ka maqal madaxda dawladda.

“Haddii uu madaxwaynuhu ila soo hadli lahaa, waxaan u soo jeedin lahaa in aan isku darno labada rugood si ay u [noqoto] hal rug oo aad u karti badan oo musuqmaasuqa la dagaalanta,” ayuu yidhi.

“Waxaan hayaa warbixinno sugan oo ku saabsan musuqmaasuqa oo dhinac walba ah, kuwaas oo aan diyaar u ahay in aan tuso madaxwaynaha si tallaabo looga qaado. Wadajir ayaan dadaalkeena isugu dari karnaa madaxwaynuhuna wuxuu noqon karaa qofka dagaalkan hoggaaminaya,” ayuu ku daray.

Shacabka oo natiijada dareen isku jira ka qaba

Si kastaba ha ahaatee fal celinta Kenyaanka ee dadaalka maxadwaynaha ayaa ah mid isku dhafan.

Kenya ayaa lagu yaqaanaa musuqmaasuq gaamuray, iyada oo hay’adda arrimahan daba gasha ee Transparency International Cabbirkeedii Aragtida Musuqmaasuqa ee 2012 ay ka dhigtay lambarka 139 ee dhamaan waddamadii la baadhay oo ahaa 176, taas oo waddanka lambar kow galay uu ka dhigan yahay midka ay shacabku u arkaan in uusan musuqmaasuq lahayn.

Dan Wanga,oo ah 34 jir deggan Eldoret, ayaa ka mid ah kuwa sida fiican u soo dhoweeyay tallaabadan. Musuqmaasuqa iyo ammaan darridu waxa alla waxay qaadataba waa in lala dagaalamaa, sababta oo ah waxay curyaaminayaan horumarka, ayuu yidhi.

“Waa arrin fiican in madaxwaynuhu uu la dagaallanka musuqmaasuqa hoggaaminayo. Rugtan ayaa abuuraysa kuwo arrimahn sheega oo qarsoon, waxayna kaalmaynaysaa in musuqmaasuqu hoos u dhaco sababta oo ah in badan oo madaxda dawladda ka tirsan waxay ogaanayaan in si toos ah loo sheegi karo,” Wanga ayaa yiri.

Mohammed Indakwa, oo deggan Gaarisa oo alaabta korantada ka ganacsada, ayaa sheegay in ay aad ugu badan tahay in si toos ah uu musuqmaasuqa ugu gudbiyo rugta madaxwaynaha.

“Waxaa jirta fursad ah in madaxwaynuhu warbixintayda uu wax ka qabto marka loo fiiriyo rugaha kale ee madaxa bannaan. Sababta oo ah madaxwaynuhu wuxuu soo saari karaa amar baadhitaan,” 38-jirkan ayaa sidaas sheegay.

Sharon Atieno, 25 jir, oo ah ardayad ku jirta sannadkii saddexaad ee isgaadhsiinta Jaamacadda Daystar, ayaa arrintan ka shakisan.

“Rugtan ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu jiro sharcigo ku aadan xakamaynta warbaahinta,” Atieno ayaa sidaas tidhi. Maadaama ay warbaahinta Kenya hormood ka ahayd soo bandhigidda musuqmaasuqa, waxay shaki ka muujisay in dawladda oo “doonaysa cabudhinta warbaahinta” ay ka go’antahay in ay dhibaatadan xaliso.

Intaas waxaa dheer, in madaxwaynuhu marka hore uu wax ka qabto xaaladaha musuqmaasuqa oo haddaba la shaaciyay ka hor inta uusan codsanin cabashooyin hor leh in la soo gudbiyo, ayay tidhi.

“Waxaa haddaba jira fadeexooyinka Anglo-Leasing iyo Goldenberg, kuwaas oo waddanku ku waayay balaayiin heshiisyo aan caddayn. In wax laga qabto musuqmaasuqaas aadka u wayn ayaa noqon kara bilaw fiican, tilaami karana in ay arrintan dhab ka tahay,” Atieno ayaa sidaas sheegtay.

Isha: Sabahi Online