Baydhaba oo berri laga billaabi doono qorshihii lasoo dhisayey muddo

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maalinta berri ah si rasmi ah uga furmaya shirka maamul u sameenta lix gobal oo ku yaalla Koonufurgalbeed ee dalka Soomaaliya.

Malaakh Cali Cabdi Raxmaan Shiino, oo ka mid ah wax garadka ku howlan shirkaas in qabsoomo ayaa u sheegay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho in maalinta berri oo Sabti ah uu Baydhabo ka furmaayo shirka maamul u sameenta lixda gobal.

Wuxuu sheegay in magaalada inta badan ay soo gaareen ergada ka qaybgaleysa shirkaas, isagoonta intaas ku daray in maalinta Isniinta ay ku dhawaaqi doonaan in la billaabayo qabashada araajida musharrixiinta xilka madaxweynaha ee maamulkaas.

Mar uu ka hadlaayay shirkaas in ay la ogtahay dowladda, wuxuu sheegay in shirkaas ay taageersan yahay dowladda fedaraalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeen Malaakha wuxuu ka soo horjeestay shirkii arrimaha Jubbooyinka ee ka dhacay wajigiisa koobaad magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkaas ku tilmaamay mid aan loo dhameen.

Ma cadda shirka iska soo horjeeda sida ay ku maareen doonto dowladda fedaraalka oo labadaba taageersan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com