Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) Maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay caqabada ka heysta xalinta xiisadaha kasoo cusboonaaday gobolkaasi inay tahay goobaha dagaalkaasi uu ka dhacay iyo magalada Jowhar oo kal go’an .

Gudoomiye ku xigeenka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule wuxuu Sheegay in roobab xoogan oo ka da’ay gobolka ay saameyn xoogan ku yeesheen wadada u dhexeysa Deegaanka Sabuun oo dagaalka uu kasoo bilowday markiisii hore iyo Magalaada Jowhar .

Ciidamo u gaar ah oo sida uu sheegay maamulku uu ugu talo galay inay maleeshiyo beeleedkaasi ay kala dhex galaan ayuu sheegay in ilaa iminka ay san u suura galin inay gaaraan goobaha dagaalka uu ka dhacay .

Wuuxuu sheegay inay ka war heleen in Tuulaada Geedo Barkaan oo dagaalka xoogiisu uu ka dhacayay Magaalada Jowharna qiyaastii 6-KM  inuu ka war helay in dab la qabasiiyay balse uusan arintaas si rasmi u shaacin karin.

Xiisadan wuxuu sheegay inay salka ku heyso Dhul beereed , waxaana uu sheegay in hore arintan xal loooga gaaray balse dad dano gaar ah ka leh ay mar kale soo cusbooneysiiyeen .

Deegaanada dagaalka uu ka socday lanbadii maalin ee ugu dambeeysay ayuu sheegay in ay yihiin deegaano ka maqan gacanta dowlada Somalia, waxaana uu sheegay in ciidamada Maamulkaasi ay ku egyihiin Xaafada Buulo Sheekh ee magaalada Jowhar hayeeshee xilliyada qaar ay si socod iyo kormeer ah ay ku tagi jireen haatana uu roobku sameyn ku yeeshay.

Deegaano dhanka Bari kaga beegan Jowhar waxaa labadaii maalin ugu dambeysay ka dhacayay dagaalo toos ah oo u dhexeeya  maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada dega.

Halkaan Hoose ka dhageyso Yuusuf Cabdi Cabdule

Yusuf Cabdi Cabdulle

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com