Ciidamo loo diray Jowhar iyo xaaladda oo maanta deggan

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Johar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dowladda ay ciidamo u dirtay labo beelo oo ku dagaalamaya duleedka Jowhar.

Wariye ku sugan Jowhar oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada ay saakay ka ambabaxeen ciidamo dowladda iyo kuwa AMISOM kuwaasoo ku sii jeeda tuulooyin dhinaca barri ka xigga magaalada Jowhar.

Ciidamadan ayaa la doonayaa in ay kala dhex galaan beelo isku heesta dhul daaqsin oo maalintii labad ku dagaalamay halkaas.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in xaaladda maanta ay deggan tahay goobihii lagu dagaalamay, waxaana ilaa hadda socda waan-waan iyo ukala dab qaadid labada dhinac.

Inta la ogyahay 50 qof ayaa ku dhintay dagaalka labada maalin ka socday duleedka Jowhar, waxaa la gubay guryo iyo hanti aad u badan, sidoo kale waxaa barakacay dad iyo duunyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com