Qarax goor dhow ka dhacay Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho

Hotel Maka Al-mukarama oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goor dhowka dhacay qarax u ekaa inuu fashilmay, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qarax ayaa wararku waxa ay sheegayaan in la tuhmayo inuu ka dambeeyey nin dhalinyaro ah oo watay Laptop.

Ugu yaraan laba qof, ayaa laasoo weriyey in ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid aan xooganeyn, oo mid ka mid ah uu yahay ninkii dhalinyarada ahaa ee Laptop-ka watay.

Muuqaal ahaan meesha uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa weeyaan maqaaxida ay galbihii ku shaahaan dadka u nasashada tagga Hotel Maka Al-mukarama.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa Hotel Maka Al-mukarama xilligii uu qaraxu dhacaayay, ayaa sheegay in ninka watay Laptop-ka uu iska dhigay, nin sawiraan ka qaadaayo oo kale.

“Ninkaan Laptop ayuu watay, wuuna soo dul istaagay, wuxuu iska dhigay sida nin na sawiraayo oo kale. Waxaana xigtay qarax yar oo aan maqalnay.” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku sugnaa Hotel Maka Al-mukarama.

Qaraxa oo dhacay xilligii Salaadda Maqribka ee caawa, ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Nabad Suggida ee Dowladda ee aaggaasi ka hawlgala, waxayna xaqiijiyeen in ay gacanta ku soo dhigaan ninkii Laptop-ka watay.