Mas’uul ka tirsan DF oo la xiray

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyino waxaa maanta xabsiga loo taxaabay   Gudoomiye kuxigeenka degmada Xamar weyne Maxamed Macalin Abuukar kadib markii sida la sheegay uu ka hor yimid amar kasoo yeeray wasaarada adeega bulshada.

Dhowaan ayay wasaarada adeega Bulshada gaar ahaan weybteeda waxbarashada waxay dadkii deganaa ay ka saartay xarumihii Maktabada Qaranka inkastoo  maamulka degmada Xamar weyne uu arintaasi ka hor yimid sida la sheegay .

Is qab qabsiga la xiriira dhismaha Maktabada Qaranka ayaa waxay sababtay in xabsiga la dhigo  Gudoomiye kuxigeenka degmada Xamar weyne Maxamed Macalin Abuukar.

Xoghayaha maamulka degmada Xamar Weyne Maxamed Nuur  ayaa xaqiijiyey xariga Gudoomiye kuxigeenka degmada X/weyne Maxamed Macalin Abuukar inkastoo markii dambe lasoo daayey.

Waxa uu sheegay in xariga gudoomiye abuukar uu ahaa mid si khaldan loo maray islamarkaana ay taliska Booliska ka dambeeyeen xarigiisa sida uu hadalka u dhigay

Xukuumada Somaliya ayaa sheegtay inay dib u howlgalineyso dhawaan Maktabadii Qaranka Soomaaliyeed iyadoona dhowaan ka saartay dad halkaasi deegaansaday 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com