Professor caana oo Somalia lagu dilay

Marka (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta  Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas galabta lagu dilay Prafisoor caan ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in la Profisoorka la dilay in la oran jiray allaha u naxariistee Professor Maxamuud Kolo.

Waxaa toogtay marxuumka laba nin oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku toogtay Laamiga Wajeer, gaar ahaan agagaaraha Hotel Aaran, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Waxaa kaloo dilka Profirsoorkan xaqiijiyay gudoomiyaha Degmada Marka, Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow), oo la hadlay Warbaahinta maxaliga.

Si kastaba, Marxuum Kolow, ayaa mid ahaa barrayaasha Jaamacadda Plasma faraceeda Magaalada Marka. sidoo kalle wuxuu ahaa Maamulaha Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sarre ee Cali Bin Abii Daalib ee Magaalada Marka.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com