Mid ka mid ah beelaha ku dagaalamaya Jowhar oo DF Somalia eedeeyay

Jowhar (Caasimada Online) Mid ka mid ah beelaha ku dagaalamay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeeso dagaalada ka socday halkaas.

Nabadoon Cusbow oo la hadlay mid ka mid ah labada beel ee ku dagaamay duleedka Jowhar ayaa u sheegay Idaacaddaha Muqdisho in dagaalka maanta ay ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya in u fasaxay beesha kale in duulaan lagu qaado sida uu hadalka u dhigay.

“Meesha xasuuq ayaa ka dhacay dad badan ayaa la dilay oo rayid ah,meydadka shacabka ayaa daadsan duleedka Jowhar,dhibaatada ugu daran waxaa geystay ciidamo ka tirsan dowladda oo watay baabuur Cabdi Bile ah kuwaasoo Jowhar ka yimid shaati dowlad ayaa naloo is-ticmaalay guryo iyo hanti fara badan ayaa nalaga baabi’iyay” ayuu yiri nabadoonkaas.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka maalintii labaad ka dhacay duleedka Jowhar in ka badan 50 qof ayaa ku dhintay oo u badan rayid, waxaa la gubay guryo iyo hanti kale.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo siddii loo damin lahaa dagaal beeleedka ka taagan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow, ayaa  maanta sheegay in ay wadaan dadaalo, Ciidan lagu kala dhex dhigaayo beelaha ku wada dagaalamaaya deegaanada Geeda Barkaan iyo Timire.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com