Shir muhiim u ah SOMALIA oo maanta lagu qabtay waddanka Finland

Helsinki (Caasimada Online) Magaalada Helsinki ee waddanka Finland waxaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay shir hal maalin qaatay oo looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siddii loo dhaqan galin lahaa qoddobadii ka soo baxay shirkii hiigsiga cusub ee New Deal ee dhawaan  ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Shirka oo ay ka qaybgaleen madax ka socotay Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Soomaalida dalka Finland ayaa lagu soo bandhigay fursadaha ay heesato Soomaaliya maanta iyo sida looga faa’ideeesan karo.

Wariyaha Qaaradda Yurub ee Shabakadda Caasimada Online oo shirka joogay ayaa soo sheegay in shirka ay ka hadleen wasiiradda horumarinta dalalka Finland iyo UK, kuwaasoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo arrimo ay ka mid yihiin, ammaanka, horrumarka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka arrimaha dibedda Sweden, taasoo tegtay magaalada Muqdisho, waxa ay sheegtay in magaalada ay ku soo aragtay wax yaabo badan oo horrumar ah.

Si kastaba, shirka ayaa gabagabadiisa la isku raacay in dowladda fedaraalka Soomaaliya lasiiyo taageero dhinaca diplomaasiyada ah taasoo loo marsiinaayo QM iyo Midowga Afrika.

Waa shirkii seddaxaad oo sannadkan  loo qabto Soomaaliya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Midowga Yurub oo bixiya dhaqaalaha ugu badan ee la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, labo shir oo hore ayaa ka dhacay magaalooyinka London iyo Brussels.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com