Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Masjid ku yaalla Xarunta Dhaqanka Islaamka ee magaalladda Quebec ”Kubeek”, halkaasi oo ay ku dukanayeen Muslimiin dhowr ah.
Kooxaha weerarka geystay oo wajiyada uu u xirnaa ayaa Toogasho ku dilay 5 ruux oo xiligaasi ku howlanaa dukashada salaada Cishaha.
Kooxaha weerarka fuliyay ayaa sidoo kale la sheegay inay gaarayaan ilaa Seddex ruux, iyadoo xiliga uu weerarka dhacaayay ay Masjidka ku sugnaayen Jameeco kor u dhaafeysa 42 ruux.
Ralph Goodle oo ah Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee dalkaasi, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray inuu aad uga tiiraanyeysan yahay dadka naftooda waayey iyo kuwa lagu dhaawacay Toogashadaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in 2 eedeysane loo xiray falkaasi, oo mid ka mid ah la baacsaday xilli uu doonayey inuu baxsado.
Dhinaca kale, weerarkaani ayaa waxaa lagu tuhmayaa inay fuliyeen Kooxaha islaam naceebka ee dalkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com