28.2 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Daawo: Xasan oo xalay dhoola-tus siyaasadeed sameeyey lana kulmay 180 xildhibaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan aan caadi aheyn Villa Somalia kula qaatay Xildhibaano gaaraya 180 Xildhibaan.

Madaxweyne Xasan oo Xildhibaanadaasi ku marti qaaday Villa Somalia, ayaa waxa uu ka dalbaday inay siyaan codadkooda, waxa uuna tilmaamay in Dowladiisu ay waxbadan qabatay halka howlo kalane ay qabyo u yihiin.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in guul ay u tahay haddii 180 ee kasoo qeybgashay martiqaadka ay codkooda siiyaan, waxa uuna dalbaday in lasiiyo Kalsoonida.

Xasan waxa uu Xildhibaanada u sheegay inuu ballanqaadayo in waxbadan uu ka bedeli doono xaalada ka taagan dalka.

Xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in Musharax Xasan Sheekh islamarkaana ay Codkooda siiyaan sida ay sheegeen.

- Advertisement -

Read more

Local News