25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Haweeney sabab u aheyd diidmadii Sacuudiga ee xoolaha Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in qof dumar ah ay sabab u aheyd xanibaadii Dowladda Sacuudiga kusoo rogtay xoolaha Soomaalida.

Wasiirka xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in hanweeyney u dhalatay dalka Masar ay sabab u aheyd in xoolaha Soomaalida laga joojiyo dalka Sacuudiga.

Haweeneyda oo xoolo ka dhoofsata Soomaaliya ayaa si qaldan dalkaasi Sacuudiga u geystay xoolo Soomaaliya laga dhoofiyay oo caafimaad ahaan aan wanaagsaneyn.

Mr Ciid wuxuu sheegay in haweeneyda u dhalatay Masar ay dalka Soomaaliya ka dhoofisay sandkii lasoo dhaafay 2975 neef oo lo’ah, kuwaasi oo sifo aan sharci aheyn ku geysay dalka Sacuudiga.

“Xoolahaasi markii ugu horeysay waxaa gadatay Haweenay Masaari ah, waxa ay u dhoofisay dalka Sacuudiga waa lagu soo celiyay, qaab qaldan ayeey u martay”

“Qalad ay iyada gashay awgeed  ayaana loo soo celiyay xoolahaasi, waana sababta keentay in Sacuudiga ay joojiyaan dhamaan xoolihii Somaliya laga dhoofin jiray.” Ayuu yiri Wasiir Ciid oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News