Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Musharaxiinta ayaa sheegaya in jahwareer uu ka dhextaagan yahay Musharaxiinta heerka Madaxweyne iyo Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.
Musharaxiinta oo wali ku guda jira cod raadinta ayaan kalsooni hubaal ah ku qabin Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, kadib markii Musharax waliba ay u ballanqaaden inay siin doonaan cododka.
Musharaxiinta qaar ayaan ilaa iyo hadda codadka weydiisan Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, kadib markii ay sheegen inaanu laheyn axdi lagu kalsooni qabi karo maadaama cid waliba ay Codadka u ballanqaaden.
Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi oo dhawaan sameystay Isbaheysi, ayaa heshiisyo iska soo horjeeda la galay Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh, Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif.
Sidoo kale, Musharaxiinta qaar ayaa qaba inaan Heshiis dhanka doorashada ah lala galin Xildhibaanadaasi, iyagoo sabab uga dhigay in ficilada noocaasi ah ay ku kala fogaankaraan Musharaxiinta iminka isku xiran.
Dhinaca kale, Isbaheysigaani ay sameysteen Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa laga leeyahay qorsho fog, waxaana si muuqata lagula dagaalami doonaa Musharaxiin gaara.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

