Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa qeyb ka noqday ololaha doorashada madaxweynaha ee ka socda magaalada Muqdisho.
Boorsaani ayaa saacadihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kulamo kala duwan kula qaadanaayay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.
Boorsaani ayaa kulamadaasi ula gol leh dardar galinta ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna Xildhibaanada ku booriyay in garab muuqda lasiiyo Madaxweynaha dalka ee uu wakhtigiisu dhamaaday ahna Musharax u taagan xilka Madaxweyninimo mudada u dhexeysa 2017-2020.
Boorsaani ayaa Xildhibaanadaasi qeybqeyb ugu qaabilay Xarunta Dowladaha Dhexe, waxa uuna ballanqaadyo kala duwan u sameeyay Xildhibaanada.
Xildhibaanada qaar ayuu ku bixinayaa dhaqaale culus oo laga bixinaayo Qasnada Dowlada Dhexe, kuwaa oo miisaan ku dhex leh ololaha Xasan Sheekh.
Boorsaani ayaa Xildhibaanada u bidhaamiyay in dib usoo laabashada Xasan Sheekh ay waxbadan ka bedeli doonto xasilooni darida ka taagan dalka.
Sidoo kale, Boorsaani ayaa horay u sheegay in codkiisa uu siin lahaa Xasan Sheekh, waa haddii uu ahaan lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Boorsaani ayaa dhankiisa kawada ololo xoogan waxa uuna xusul duub ugu jiraa sida mar kale uu kusoo laaban lahaa Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
[email protected]

