Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaayo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Karanle ”Murusade” ayaa sheegaya in Sii haayahay Wasaarada Warfaafinta DF Somalia Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu xusul duub ugu jiro sida uu mar kale uga dhexmuuqan lahaa Xukuumada Cusub ee uu Hogaaminaayo R/W CCC Sharmaarke.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dhuxulow uu kamid yahay Mas’uuliyiinta Ololaha ugu jira qabashada Wasaarada Arrimaha gudaha, waxaana la sheegayaa in xiligaani uu aad uga agdhow yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sidoo kale, Wasiir Dhuxulow ayaa waxa uu xiligaani ku mashquulsan yahay qaabka uu Ugaaska Beesha Karanle uga dhaadhicin lahaa inuu dib ugu soo laabto Xukuumada Cusub, si meesha looga saaro wararka la xiriira in Xilka wasiirnimo Beesha Murusade sanadkaani u qaban doonto Marwo Maryan Cariif oo iyadu saaxiib dhow la ah Xisbiga Dam-Jadiid.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Mustaf dhuxulow uu kamid ahaa Xildhibaanadii taageersanaa Ra’isul wasaarihii kalsoonida waayay C/weli Sheekh Axmed islamarkaana kasoo horjeeday in la rido Xukuumadaasi, waxaana laga yaabaa inuu caqabad kala kulmo madaxweynaha.
Waxan la Ogeyn cida ay Beesha Murusade u xulan doonto Halka wasaarad oo ay ku leedahay DF, inkastoo saadalinta ay u badan tahay Maryan Cariif.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]