Mustafe Cagjar oo war kasoo saaray go’aankii kasoo baxay xukuumadda R/W Rooble

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay maanta xukuumadda Soomaaliya uga laabatay qaraarkii uu horay u gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo ka dhan ahaa ururka ONLF.

Waxa uu sheegay in go’aankii hore ee ururka ONLF loogu daray liiska argagixisada uu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax),” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dhaleeceeyay ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

“Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.”

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ka laabtay go’aankii uu golaha 2017 ku gaaray in ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixisio, wuxuuna sidoo kale sheegay inay khalad aheyd in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax loo dhiibo dowladda Ethiopia.

Golaha oo kulan maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inuu isku raacay “In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.”

Golaha ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray kadib markii uu ogadaay “in dhiibista Qalb-Dhagax aan loo marin sharciga, sidoo kalena soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin.”

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6-dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.